Dhageyso: Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Wareegey Degaano Badan Oo Hoostaga Degmada Buurhakaba

0
375

Buuhakaba(INO)- Ciidamada Dowlada Gobaleedka Koofur Galbeed ayaa si Buuxda ula Wareegay Degaano Dhaca Waqooyiga Degmada Buur-hakamo ee Gobalka Bay oo Al-shabaab ay Mudo Maamulayeen waxaana Deegaanadaas ka mid ah Buur-ayle iyo Jameeca iyo Tuulooyin Dhowr ah.

C/casiis Ismaaciil Abuukar Taliyaha Ciidamada Degmada Buur-hakabo oo warbaahinta, la hadlay ayaa Guulo ka Sheegtay Dagaalada ay lagaleen Al-shabaab ayagoona sheegay in Dagaal-yahano badan ay uga Dileen halka ay Gaadiid Nuuca Dagaalka ahna ay uga Gubeen.

Saraakiishu waxay Simba u sheegeen in Howlgalkaan uu ka soconayo Deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Baayo Isla-markaan uu u Ujeed ku yahay in Guud ahaan Al-shabaab laga saaro Deegaanada ay kaga Harsan yihiin Gobalkaasi.

Koonfur-galbeed ayaa ku Cel-celiysey inay Shabaab ka saari doonaan Deegaanada Gobalada Bay iyo Bakool inkastoo aan wali la heyn Dhaqan galka Arintaas.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here