Sirdoonka Kenya oo ka digay in Al Shabaab Dhalinyaro ay ka qortaan Dalkaasi

0
343

Nairobi (INO)—Sirdoonka Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen xogo muujinaya in Xarakada Al Shabaab ay qorsheenayaan in Shabakado Dhalinayarada Kenyaan u qora ay ka sameystaan Gobolada Xeebta leh iyo kuwa Waqooyi ee Dalka Kenya.

Sirdoonka ayaa sidoo kale ka digay in Al Shabaab fekerkooda ay ku baahiyeen Gobolada dhaca Dalka Kenya, waxaana xogaha la helay ay muujinayaan in Al Shabaab ay gudaha u galeen Degaano ka tirsan Gobolkaasi.

Hay’addaha amaanka Dalka Kenya ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan Dhalinyaro badan oo Kenyaan kuwaasi oo ku biiran Ururka Al Shabaab oo xiriir dhow laleh Kooxda Al Qaeda.

Waxaa Laamaha amaanak ee Kenya ay sheegeen in Dhalinayaradaasi badankooda Al Shabaab ay ka qortaan Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yalla Gobolada dhaca Dalka Kenya.

Sikastaba, Dowladda Kenya ayaa dhaawan shaacisay in ay wax badan ka qaban doonto arimaha ku aadan fekerada Xarakada Al Shabaab ee ku sii baahaya qeybo ka mid ah Dalkaasi.

Idale News Online, Nairobi