Ahlusunna Oo DFS Ku eedeeysay inay taageertay garab ka mid ah Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Cadaado

0
319

Dhuusamareeb (INO)—Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, Cabdullaahi Xersi Diirshe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaal saacadihii ku dhexmaray Magaalada Cadaado labo Maleeshiyo Beeleed in midkood ay la safteen Ciidamada Dowladda .

Isagoo sii hadlaya ayaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe waxuu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in hub iyo qalab militari ay ku taageertay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay mikood, waxuuna hoosta ka xariiqay in dhibaatadii ka dhalatana ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowladda.

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa dhawaan waxaa Dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray labo Maleeshiyo Beeleed, kaasi oo la tilmaamay in uu salka ku hayay muran u dhaxeeyay Ganacsatada khaadka ee Magaalada Cadaado.

Idale News Online, Dhusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here