Xildhibaan ka tirsan BFS oo lagu weeraray guri uu ka degenaa Degmada Beled-Xaawo

0
337

Baledxaawo(INO)— Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan ayaa xalay la weeraray guri uu ka deganaa degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo weerarkan ay ku dhaawacmeen saddex dumar oo ka mid ahaa qoyskiisa.

Sida ay sheegayaan wararka kooxo hubeysan ayaa labo bam gacmeed ku tuuray guriga uu Beled-xaawo ka degenaa Xildhibaanka, waxaana ilaaladiisa ku jawaabeen rasaas.

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka hadlay weerarka lagu qaaday gurigiisa ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen rag siyaasiyiin ah, inkastoo uusan carabka ku dhufan.

Waxaa uu sheegay in aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarka, balse dadka wax ku noqday ay ahaayeen qoyskiisa sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa degmada Beled-xaawo, halkaasoo uu kulamo kula yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ma jirto cid sheegatay weerarkaas, waxaana weerarkii xalay uu ku soo aadaya, maalmo kadib markii Guddoomiyihii degmada Beled-Xaawo uu isna ka bad baaday qarax lala eegtay gaarigiisa, kaasoo ay ku dhinteen labo ka mid ah ilaaladiisa.

Idale News Online, Baledxaawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here