Shan ruux oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay dhabarka dambe xarunta dowladda Hoose

0
480

Muqdisho(INO)— Illaa shan ruux ayaa ku geeriyootay, todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen, qarax loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta duhurkii ka dhacay maqaayad ku taal degmada Xamar weyne.

Maqaayada qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Al-Hindi, taasoo ku taal dhabarka dambe ee xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxa dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen dad shacab ah.

“Qaraxan waxaa ku dhintay shan ruux, todobo kalena waa ku dhaawacmeen, waa mid loola dan lahaa shacabkii maqaayada joogay”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay bilaabeen inay beegsadaan maqaayadaha shacabka, isla markaana labo maalmood ka hor sidan oo kale maqaayad shacab qarax la beegsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, isla markaana ku bartilmaameedsaneysay Saraakiil ka tirsan dowladda.

Qaraxyada baabuurta waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee la dhigo goobaha dadka ku badan yihiin ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here