Daawo: Baraag Weyn Oo Qaada Biyo Tan Badan Oo Laga Hergaliyey Degaanka Waafdhaay Ee Gobolka Bay

0
555

Buurhakaba(INO)- Deegaanka Waafdhaay oo Hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa laga hir galiyay kayd biyood aad u baaxad wayn oo laga dhax dhisay masjidka weyn ee deegaankaasi ku yaalo.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu farxay oo ku tilmaamay tilaabo bogaadin mudan waxayna wanaag ku tilmaameen in masjidka iyo dadka deegaanka loo hirgaliyay baraag wayn oo biyaha kaydisa.

Baraagtan biyaha kaydisa ayaa waxaa ay qaadaa oo halkii mar lagu kaydin karaa biyo tankooda ka badan 300 oo fuusto. Wakiilka hirgalinta arinta khayriga ah sheekh cusmaan wadadow ayaa wuxuu warbaahinta ugu waramay sida ay ugu soo gaba gabowday howshan.

“Salaan kadib ikhwanii waad aragtaan maanta fadliga ilaahay in aan ku guulaysanay howshii aan in mudo ah soo wadnay oo ahayd sidii deegaanka loogu hirgalin lahaa kayd biyood halkii mar qaadi kara boqolaal fuusto oo biyo ah si ay ugu faaidaystaan dadka deegaanka masjidkana kayd biyo wayso ahaan loogu isticmaalo”. Ayuu yiri

Dhisitaanka baraagtan iyo dayactirka masjidkan waxaa dhisidiisa ka qeybgalay Dad Muxsiniin ah oo ka soo jeeda degmadaa Buurhakab.

Ka qurba joog ahaan waxaana arintan abaabulkeeda iyo isku dabaridkeeda lahaa Sheekh Bashiir Sheekh Cusman oo ku magac dheer Bashiir Baraawi kaasi oo u istaagay sidii jaaliyadaha deegaanka udhashay ee ku kala nool qurbaha gaar ahaan Masar,UK,USA, Sacuudiga ay arintan u hirgalin lahayeen warbaahinta Buurhakaba oo la xariirtay Sheekh Bashiir Baraawi ayaa ugu warbixiyay qaabka ay arintan ugu suurta gashay.

“Alxamdulilah xariir badan iyo iskaashi aan wada samaynay waxaa inoo suurta galay inaan deegaankas ka hirgalino kayd biyood ama Baraag aad u baaxad wayn oo boqolaal fuusto qaadi karta, mahad alle kadib waxaan u mahad celinayaa dadkii arintan gacan igu siiyay oo uu kamid ahaa walalkeena maday cabdiladhiif cabdi oo kamid ah hogaanka jaaliyada sacuudi carabiya iyo shaq siyaad badan oo ku kala nool dalal farabadan, kuwaasi oo ilaahay awgiisa u bixiyay qarashaadka lagu dhisay baraagtan”. Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekh Bashiir ayaa arin wayn oo muhiim ah ku tilmaamay fadliga badan ee laga helaayo in la dhiso ama laga qeyb qaato dhisitaanka Beytka Allaah iyo wax walbo wanaag ah oo bulshada muslimka u baahi qabto,wuxuuna Alle ugu rajeeyay ajar iyo xasanaad dadkii arintan qayb kawada qaatay.

Ugu dambeyntii, Sheekh bashiir baraawi ayaa baaq wuxuu u soo jeediyay Jaaliyadaha in ay ka qayb qataan samata bixinta dalkii oo sida uu yiri maanta Alle ka sakow garab ugu baahan jaaliyadaha dibada,wuxuna xusay in dhisitaanka baraagtan iyo Qarashka ku baxay oo lagu qiyaasay qarash dhowr kun oo dollar ah ay jaaliyadaha un ay bixiyeen, wuxuuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan hirgalinta howlaha noocan ah oo muhiim u ah bulshaada ku dhaqan deeganka.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

https://fbcdn-sphotos-h-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xap1/v/t34.0-12/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpt1/v/t34.0-12/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xfl1/v/t34.0-12/

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here