Sirfaafiyaha Football Leaks Oo Wali Sii Wada Kashifaada Heshiisyada Ciyaartoyda Caanka Ah Iyo Football Leaks Oo Banaanka Soo Dhigtay Faah Faahinta Heshiiska Neymar Jr Ee Barcelona

0
436

Shabakada aduunka ka yaabsatay ee Football Leaks ayaa wali sii wada shaqada sharci darada ah isla markaana ay aduunka ugu soo bandhigto heshiisyo ay kooxaha kubbada cagta ugu waa wayn Yurub ay la galeen ciyaartoyda magaca ku leh kubbada cagta, waxayna Football Leaks hore banaanka u soo dhigtay heshiisyo ay ciyaartoy magac lihi kula jiraan kooxahooda waxaana ka mid ahaa Gareth Bale, Sergio Aguero, Luis Suarez, James Rodriguez, Anthony Martial, heshiiskii burburay ee David De Gea ugu biirayay Real Madrid iyo waliba kuwo kale oo badan.

Laakiin markale sheekadu waa halkeedii waxaana markan banaanka la soo dhigay faah faahinta heshiiskii Neymar Jr uu Barcelona u saxiixay sanadkii 2013 kii laakiin waxaa yaab noqotay mushaarka aan qaaliga ahayn ee uu Neymar ka qaato Barcelona, waxaana sidoo kale heshiiskiisa ku jira lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Camp Nou.

Neymar Da Silva Junior ayaa Barcelona mushaar uga qata 5 milyan oo euros sanadkii waana lacag dhan 4 milyan oo pound. Waxaana warbixintan lagu sheegay in xidiga Samba uu Barcelona todobaadkii ka qaato 77 kun oo pound, waana mushaar aad uga yar lacagta ay horyaalka Ingiriiska ka qaataan xidigaha heerka dhexe iska ahi, wuxuuna aad uga fog yahay lacagta qaaliga ah ee ay qaatan xidigo badan oo Premier Leaque-ga iyo La Ligaha ah.

 

Laakiin Neymar ayaa lacago dheeraad ah ku helaya gunooyin kala duwan waxaana sidoo kale uu lacag ku helayaa markasta oo ay Barcelona koobab ku guulaysato ama ay Champions Leaque ay u soo baxdo waxaana ka mid ah:
1- Haddii uu  Neymar JR uu Barcelona u ciyaaro boqolkiiba 60%( ugu yaraan kulankiiba 45 daqiiqo) waxaa Barcelona qasab ku ah in ay Neymar siiso  €1,062,500 euros.
2-Markasta oo ay Barcelona u soo baxdo Champions Leaque-ga waxaa xidiga ree Brazil la sii nayaa €637,500 euros, laakiin haddii ay Barcelona Champions Leaque-ga ugu soo baxdo isreeb reebka wax lacag ah ma helayo balse waa in ay ku dhamaysato kaalmaha hore ee sida tooska ah loogu soo baxo heerka group-yada.

3-Markasta oo ay Barcelona ka soo baxdo heerka Group-yada Champions Leaque-ga waxa Neymar la siinayaa €425,000 euros.

4-Neymar waxa uu lacago kale ku helayaa koob kasta oo ay Bracelona ku guulaysato. Haddii ay La Ligaha ku guulaysato waxa uu helayaa €637,500 euros, haddii ay Campions Leaque-ga ku guulaysato waxa uu helayaa €850,000 euros halka haddii ay Barcelona ku guulaysato Copa del Rey-ga uu Neymar heli doono €850.000 euros.

5- Haddii ay Barcelona ku wada guulaysato Champions Leaque-ga iyo Copa Del Rey waxay lacagta Neymar kordhaysaa €1,062,500 euros, laakiin haddii ay Barcelona saddexda koob ku wada guulaysato sidii xili ciyaareedkii hore lacagta Neymar ayaa gaadhaysa 1.7 milyan euros.

6-Laakiin lacagaha aan soo sheegnay ee la xidhiidha koobabka ay Barcelona ku guulaysato iyo lacagta uu Neymar ka heli doono ayaa la yarayn doonaa haddii aanu  boqolkiiba 50% ciyaarin kulmada Barcelona taas oo uu xili horeba dhaafay.

6- Haddii uu Neymar ku guulaysto abaal marinta Ballon d’Or waxa uu heli doonaa lacag dhan  €425,000 euros.

7- Ugu danbayn,  heshiiska Neymar ayaa lagu burburin karaa 190 milyan oo euros. Laakiin Barcelona ayaa hadda wada qorshe ay Neymar kaga saxiixanayso heshiis cusub oo waqti dheer ah isla markaana mushaarkiisa si wayn sare loogu qaadayo waxana sidoo kale la kordhinaya lacagta heshiiskiisa Camp Nou lagu burburin karo. Waxaa sirtan fashiliyay Football Leaks.