Dhageyso:Xoosh “Puntland waxay u dagaalameysaa in awooda lagu wareejiyo, waa in la ixtiraamaa beelaha”

0
476

Muqdisho(INO)— Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka soo horeestay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Puntland ee lagu saxiixay Garowe, isagoo ku baaqay in dib loogu laabto heshiiskaas.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraami beelaha, isla markaana aanay aheyn in awood qeybsiga la isugu geeyo caasimadaha Gobolada.

“Puntland waxay u dagaalameysa in awooda lagu soo wareejiyo, Madaxweynaha Puntland asiga laftirkiisa beel ayuu ka yimaadaa, mana ahan in awood loo siiyo inuu wax soo xulo, waa in beelaha degan gobolada la ixtiraamo”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskaas aan ka turjumeyn maslaxada dadka Soomaaliyeed, balse uu yahay heshiis si gaar ah awood u siinaya shaqsiyaad.

Heshiiskii 3-dii bishan lagu saxiixay Garowe ayaa awood badan siinaya Madaxweynaha Puntland inuu soo xulo Baarlamaanka labada aqal, waxaana jira siyaasiyiin saluugsan C/wali Gaas oo ka soo jeeda deegaanada Puntland, kuwaasoo ay suura gal tahay in hadii uu soo xulo inuu ka saaro.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here