Daawo: Gollaha Badbaadada iyo Bulshada Koonfur Galbeed Oo Kullan Ku Dhexmarey Magaalada Garowe

0
786

Garowe(INO)- Gollaha Badbaadada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Todabaadyadan safar ku marayey Deegaanada Maamulka Puntland ,iyagoo u kuurgalayey Xaaladaha Dhibaato ama Tacadiyo la sheegey in ay la kulmeen Bulshada kasoo Jeeda Koonfur Galbeed.

Wafdigaas waxaa Hogaaminayey Idriss Cabdi Dhaqtar , Caasha Abuukar Qasin iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) oo ka kala socdey Dalka Dibadiisa iyo Gudahiisa.

Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay la kulmeen Dhamaan Xubno kamid ah Masuuliyiinta Madaxtooyada , Gollaha Wasiirada Siiba Wasaarada Amniga , Wasaarada Haweenka iyo   Xaquuqal insaanka, Xafiiska Madaxbanaan ee Xaquuqal Insaanka , Xafiiska Legal Aid, Xafiiska PRDC iyo Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka .

Dhamaan waxaa laga wadahadley sidii loo ilaalin lahaa Xaqa uu leeyahay Muwaadan Kasta ee ku nool Puntland iyo xaquuqda lagu leeyahay , iyadoo bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya sidey u heli lahaayeen nabadgelyo iyo in la ilaaliyo Ganacsigooda iyo goobaha ay ku leeyihiin Mehradooda Ganacsi .

Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Booqdey Xabsiyada Maamulka Puntland ee ay ku jiraan Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed , Golaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Goob waliba ay tageen , Waxaan Tageen Goob ay kujiraan Caruur da’dooda ka yar 15 sano , goobtaas oo loogu sameynayo Xanaano Gaar ah.

Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Sidoo kale soo qorey Magacyadooda iyo Deegaanada ay ka yimaadeen ama Qabiilka ay yihiiin , Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxuu la xariirayaaa dhamaan Caruurta Waalidiintooda kuwaasoo ku sugan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii, Wafuuda Gollaha Badbadada ayaa u ambabaxeya Deegaanada Kale ee katirsan Gobalka Nugaal iyo Maamulka Somaliland.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

010203040506

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here