Baydhabo{INO}Xarunta KMG ah ee maamulka koonfur galbeed ee magaalada baydhabo,waxaa ka socda hormaru dhinacyo badan leh sida ganacsiga oo sii balaaranaya,dhismooyin badan oo socda,balse iyadoo taasi ay jirto ayaa maamulka waxaa uu bilaabay inuu burburiyo dhismooyinka sharci darad ah ee lagu dhisay hareeraha wadooyinka magaalada kuyaal.
Maamulka gobalka bay iyo kan degmada baydhabo ayaa dhowaanahan wacyi galin arintaas ku aadan sameynayay,waxaana manta howlgalkii ugu horeeyay oo dhismooyinkas sharci darada lagu burburinayo ay ka bilaaben wadada sodonka ee loogu talagaley iney isticmaalam gawaarida xamuulka ah balse markii la dhistay wadada caqabado ka imaadey.
Gudoomiyaha degmada baydhabo claahi cali watii ayaa ka Hadley burburinta manta ay ku bilaaben guriyaha lagu dhisay wadooyinka.
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}