Dib u dhac ku yimid Kalfadhiga 8-aad baarlaamaanka Soomaaliya.

0
258

Muqdisho{INO}Guddoomiye baarlamaanka dowladda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman jaawari u sheegay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu furi karo shirka sida qabo Dastuurka islamarkaana uu mashquulsanyahay madexweynaha Soomaaliya.

Gudoomiye jawaari ayaa sheegay in kala fadhigii 8aad ee golaha shacabka uu furmidoono bari.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa maanta ayaa yimid Xarunta Baarlamaanka kuwaas oo isku diyaariyay in ay ka qeyb galaan Furitaanka kala fadhigii 8 aad ee Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada wuxuu ka furay Shirka u dhaxeeya Madaxda Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka ka jira.