Dhageyso:Madaxda dowladda iyo Maamul goboleedyada oo maanta shir uga furmaya Muqdisho

0
278

Muqdisho(INO)— Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta shir looga hadlayo qaabka doorashooyinka uga furmaya magaalada Muqdisho, kadib markii la isla ogolaaday in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Labada aqal ee Baarlamaanka.

Shirkan oo ah mid gaar ah ayaa waxay Hogaamiyeyaasha ka wada hadli doonaan farsamo ahaan qaabka ay noqoneyso doorashada soo socota, waxaana kulankan aan haba yaraatee Saxaafada loogaga yeerin.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay afarta Madaxweyne maamul goboleed, kuwaasoo la dejiyay guryaha martida ee Villa Somalia iyo Villa Hargeysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jiraan qodobo xasaasi ah oo ku aadan qaabka doorashooyinka, taasoo ay ku kala aragti duwan yihiin Hogaamiyeyaasha.

Qaabka lagu soo xulay Aqalka sare iyo Aqalka hoose ayaa noqon doona qodobada laga doodi doono, iyadoo aanay meesha ka marneyn awoodaha madaxda maamul goboleedyada ay ku yeelan doonaan soo xulista labada aqal.

Inkastoo aan wali la helin wax jadwal ah oo ku saabsan inta uu shirkan soconayo ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu qaadan karo maalmo, maadaama hogaamiyeyaasha ay yihiin kuwo afkaartooda kala duwan tahay.

Si kastaba ha ahaatee gaba gabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabka ay u dhaceyso doorashada iyo sida loo soo xulayo Labada qal ee Baarlamaanka, waa marka Madaxda ay isku raacaan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here