Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo DFS Ku Bogaadisay Heshiiska Ay La Gashay Puntland

0
329

Baydhabo(INO)- Kullankii maanta yeesheen gollaha wasiirrada Dowlada Koofur Galbeed uuna shir gudoominayay madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa looga hadlay dadaaladii uu R/wasaaraha dalku ku bixiyay heshiiskii dhexmaray dowladda iyo maamulka Puntland iyo arrimo kale.

Wasiirka warfaafinta iyo Wacy-galinta Bulshada Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo kulnkaasi kaddib saxaafadda l ahadlay ayaa sheegay in Koofur Galbeed uu dowladda Federaalka ku bogaadinayo heshiiski ay la gashay maamulka Puntland iyo guud ahaan dadaallada hagar la’aaneed oo ay ku horumarineeyso dalka.

“Dowlad goboleedka Koofur Galbeed wxeey ku bogaadisay dowladda Federalka Soomaaliya dadaalkii ay u gashay sidii ummadda Soomaaliyyed ay uga sii dhaqaaqi laheyd halka ay iminka taagantahay, iyo shirkii muhiimka ahaa ee lagu qabtay magaalada Garowe,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in Dowlda Koofur Galbeed uu diyaar garoow ugu jiro sidii haraadiga maleeshiyaadka Shabaab looga xoreyn lahaa deegaannada ka tirsan maamulkaasi, isagoo tilmaamay in la diyaariyay ciidamadii fulin lahaa howlgalkaasi.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here