Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo caawa shirar gaar leh ku leh Madaxtooyada

0
270

Muqdisho{INO}Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa caawa shirar gaar gaar ah ku leh xarunta Madaxtooyada, iyadoo shirarkan ay horu dhac u yihiin shirka berri furmi doono ee looga hadlayo qaabka ay noqoneyso doorashada sanadkan 2016.

Warar ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed oo maanta soo gaaray Muqdisho, ay kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa la dejiyay guryaha martida ee Villa Somalia, waxaana aqaladooda fiidkii hore ee caawa ku booqanayay Xildhibaano iyo siyaasiyiin kala duwan oo salaan iyo dano gaar ugu tagayay.

Hogaamiyayaasha ayaa berri oo Axad ah u bilaaban doono Shirka Madasha Wadatashiga, waxaana si hoose looga hadli doonaa farsamo ahaan qaabka ay noqoneyso doorashada Madaxtinimada Soomaaliya .

Waxaa soo baxaya in qodobada qaar ee laga doodi doono ay noqon doonaan sida tirada soo xuleysa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo cida soo xuli doonta, iyadoo maamul goboleed kasta uu doonayo inuu awood u yeesho soo xulista Baarlamaanka.

Waxaa la qiyaasayaa in kulamada ay noqon doonaan kuwa adag, maadaama aad loogu kala afkaar duwan yahay qaabka ay noqoneyso doorashada qorshuhu yahay in sanadkan la qabto.

Heshiiskii Garowe ee 3-dii bishan la saxiixay ayaa qodobada qaar waxaa uu awood badan siinayay Maamulka Puntland, waxaana maamulada kale ay doonayaan inay la mid noqdaan.