Dhageyso:Madaxweynaha Oo Maanta Digreeto Ku Soo Magacaabey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dowlada KGS

0
438

Baydhabo(INO)- Kulankan Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yeeshen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweyne shariif xasan sheikh Aadan,iyadoo inta badan wasiirada iyo ku xigenadooda ay kasoo qeyb galeen kulanka.

Kulanka wasiirada koonfur galbeed oo madaxweynaha shir gudoominayay ayaa looga hadlay arimaha amaanka,wareegto madaxweynaha uu ugu magacaabay Axmed Cabdulahi Xuseen (Fanax) inuu noqdo ku Gudoomiyaha maxkamada sare ee Koonfur galbeed Soomaaliya,

Kulanka oo ahaa mid albaabda u xiranaa ayaa waxaa marka uu soo dhamaaday fafaahin ka siiyey bahda saxaafada wasiirka warfaafionta koonfur galbeed xasan cabdi maxamed.

Halkan Ka Dhageyso

 

W/Q:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)