ack Wilshere Oo Xalayto Garoomada Ku Soo Laabtay Markii Ugu Horeysay Sagaal Bilood Ka Dib

0
611

Xiddiga Arsenal Jack Wilshere ayaa sameeyay soo laabasho muddo dheer la sugayay xalayto isagoo u ciyaaray kooxda Gunners ee da’dooda ka yar tahay 21 sanno jir kuwaasoo 3-1 ku garaacay Newcastle.

Ciyaaryahanka dhaawaca dilooday ee England ayaan u ciyaaray kooxda Arsene Wenger xilli ciyaareedkan ka dib markii dhaawac lugta ah uu soo gaaray ka hor inta uusan xilli ciyaareedka bilaabanin.

Si kastaba, ka dib soo kabsasho dheer uu ku jiray xiddiga khadka dhexe ayaa u ciyaaray kooxda juunyeerka isagoo garoonka ku jiray 65 daqiiqadood ka hor inta uusan bedelin Josh Dasilva.

Wilshere ayaa ka garab ciyaaray Tomas Rosicky kaasoo isna dhaawac ka soo laabtay, waxaana ay ka caawiyeen Gunners inay hogaanka ku qabato labo gool kaliya sideed daqiiqadood oo ay ciyaarta socotay.

Haddii soo laabashada Wilshere ay keeni doonto in lagu darro xulka England ee Euro 2016 ayaa u baahan in la sugo oo la arko, laakiin 23 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ugu jiray xulka Three Lions ka hor inta uusan dhaawacmin xagaagii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here