Muqdisho(INO)- MadaxweynAyaasha Maamul Goboloeedyada iyo Madaxda DFS ayaa la filayaa in uu 10-ka bishan oo berri ah shir uga furmo caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo shirkan looga hadli doono arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya.
Madaxweynayaasha kala duwan ee dawlad gobaleedyada & Madaxda dawladda Soomaaliya ayaa shirkan si wadajir ah u yeelan doona, waxaana uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee qabsooma tan iyo markii ay dhinacyadu si rasmi ah iskugu raaceen in doorashada soo socota lagu galo hanaanka Qabaa’ilka.
Madaxweynaha dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee caasumadda Soomaaliya, isagoo mudada uu halkaas joogo la kulmi doono Madaxda dawlad gobaleedyada qaarkood & kuwa dawladda Faderaalka.
Soomaaliya ayaa lafilayaa in ay sannadkan ka dhacdo doorasho kusaleysan nidaamka Qabaa’ilka ee 4.5, waxaana aan la aqoon Natiijada ka soo bixi doonta, inkastoo ay Beesha Caalamku si aad ah isha ugu hayso.
Ugu dambeyntii, Shirka Madasha Wadatashiga ayaa diirada hadda si gaar ah loogu saarayaa Guddiga Doorashooyinka dhismihiisa, Halka ay ka dhacayso doorashaddu iyo arrimo kale oo dheeraad ah, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya.
Idale News Online,Muqdisho