Wakiilka Zlatan Ibrahimovic Ee Mino Raiola Oo Sheegay Inuu Xidigaan Dacwad Ku Soo Oogi Doono Dhakhtarkii Sheegay Inuu Daroogo Isticmaalay Xidigaan

0
487

Mino Raiola oo ah wakiilka Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay inuu xidigaan uu maxkamad la kori doono dhaqtar Ulf Karlsson oo ku eedeyay xidiga kooxda PSG inuu daroogo isticmaalo.

Karlsson ayaa la sheegay inuu yiri “Zlatan wuxuu isticmaalaa 10 kilo oo daroogo ah lixdii biloodba markii uu waayihiisa ciyaareed bilaabayay, Sidaas ayeey ila tahay, waa taas sida ay iigu muuqato”

Wakiil Raiola ayaa u sheegay wargeyska Swedish ka ah ee Expressen: “Waan ceyrsan doonaa arintaan, ma ahi khabiir arintaan ku takhasusay, waxaan leenahay qareen Swedish ah, ma doonayo inaan sheego cida uu yahay, taasi waxay soo bixi doontaa xili danbe, waxaa jira dad badan oo neceb Zlatan, malaha isaga [Dr Karlsson] waa ciyaariyahan hore oo guuldareystay”.

“Wuxuu sameeyay qalad weyn,waxay aheyd inuu wax badan ka fiirsado inta uusan dhihin, nolosha waxay mararka qaar kaa gashaa meel aan fiicneyn, malaha waxay ninkaan ka gashay inuu been faafiyo laakin Ziatan waxaa la baaray 15 ilaa 20 jeer, marwaliba waa la hubanayaywaxna waa laga waayay, waa been cad waxa uu ninkaan sheegay, wuxuu soo maray kooxo badan oo kala duwan marwalibana waa la baarayay, sidoo kale xitaa Aspirin kama uusan isticmaalin koox waligeed”.