Nasiib Xumaa Wenger ! Arsene Wenger Oo Markale Sheegay Inuu Iska Diiday Fursad Uu Kala Soo Wareegi Karay Dimitri Payet

0
467

Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay inuu iska diiday fursad uu kula soo wareegi karay xidiga kooxda West Ham ee Dimtri Payet markii uu xidigaan joogay kooxdiisi hore ee St Etienne iyo waliba kooxda Marsielle.

Wenger ayaa yiri “Waxaan fiiriyay dhowr jeer, waxaan isku dayay inaan la soo wareego, waxaan isaga aqoon u lahaa mudo badan, wuxuu leeyahay awood waliba oo koox weyn loogu soo baxo laakin markaas waxaan is weydiyay inuu lahaan karo tayo uu ugu ciyaar Premier league”.

“Waa 29 sano jir, hada ayuuna qaan gaar sameeyay, wuxuu ku soo laabtay qaranka mar uu u muuqday inuu dhameystay sidoo kalena uusan wax fursad ah heki doonin, wuxuu haatan muujinayaa xasilooni”.

Wenger ayaana intaa ku daray “Soo if bixitaanka Payet ayaa siisay West Ham wax badan, waxay haatan heystaan 50 dhibcood taasina waa wax aad u cad, waxay qaadanayaan xili ciyaareed aad u cajiib ah, markaad egto kooxdooda waxya heystaan xidigo badan oo khad dhexe iyo kuwo weerar ah oo fiican sidoo kale daafac adag ayeey leeyihiin”.

Wenger ayaa hore u xaqiijiyay inuu iska diiday fursado uu ugula soo wareegi karay Leo Messi, Cristiano Ronaldo, Angel Di Maria, Didier Drogba iyo kuwo kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here