Wuu Soo Dhigtay: Anthony Martial Oo Markale Isha Ku Haya Inuu Jabiyo Rikoor Kale Uu Dhigay Wayne Rooney

0
511

Anthony Martial ayaa qarka u saaran inuu markale jabiyo rikoor kale oo Manchester United isagoo qarka u saaran inuu jabiyo da’yarka xili ciyaareedkiisii koowaad dhaliyay goolashada ugu badan kooxdaasi oo ay haatan wadaagaan Brian Kidd iyo Wayne Rooney.

Martial, ayaa xili ciyaareedkaan ku bilowday isagoo 19 sano jir ah wuxuuna 20 jirsada bishii December wuxuuna xili horeba dhaliyay 13 gool xili ciyaareedkaan kadib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen Everton.

Kidd ayaa 17 gool u dhaliyay United xili ciyaareedkiisii koowaad ee 1967/68 markii uu ku soo biiray kooxdii Sir Matt Busby isagoo 18 jir ah wuxuuna 19 jirsaday markii uu dhaliyay goolkii ay European Cup final United kaga qaaday Benfica ee ka dhacay Wembley, Rooney ayaa sidoo kale dhaliyay 17 gool xili ciyaareedkiisi koowaad ee Reds ee 2004/05 wuxuuna ka bilaabay sadexley uu ka dhaliyay Fenerbahce isagoo 18 sano iyo 335 maalmood si uu noqdo xidigii ugu da’yaraa ee sadexley ka dhaliyay Champions League.

Si lamid ah Kidd, Rooney ayaa maalintii dhalashadiisii 19 shabaqa soo taabtay kulankii ay Arsenal ku garaaceen 2-0 ee ka dhacay Old Trafford.

Norman Whiteside ayaa labo kulan u ciyaaray United 1981/82, laakin xili ciyaareedkii 14 gool kadib 57 kulan uu u saftay kooxdisia sidoo kale wuxuu noqday xidigii ugu da’yaraa ee goolal ka dhaliya League Cup iyo FA Cup.

Martial ayaa ka danbeeya kaliya Whiteside wuxuuna ka sareeyaa Sir Bobby Charlton kaasoo kuliyada United ka soo baxay dhaliyayna 12 gool kadib 17 kulan xili ciyaareedkii 1956/57.CIyaariyahanka (Da’da, Xili Ciyaareedka) Kulamadii iyo Goolasha
BRIAN KIDD (18 gool, X/ciyaareedkii 67/68)50/17
WAYNE ROONEY (18 Gool, X/Ciyaareedki 04/05)37 (6)17
NORMAN WHITESIDE (17 Gool , X/Ciyaaredki 82/83)57/14
ANTHONY MARTIAL (19 Gool, X/Ciyaareedki 15/16)37 (3)13
BOBBY CHARLTON (18 Gool, X/Ciyaareedkii 56/57)17/12
ANDY RITCHIE (17 Gool, X/Ciyaareedkii 78/79)19 (2)10
RYAN GIGGS (17 Gool, X/Ciyaareedkii 91/92)41 (10)7
PAUL SCHOLES (19 Gool, X/Ciyaareedkii 94/95)10 (15)7
CRISTIANO RONALDO (18 Gool, X/Ciyaareedkii 03/04)24 (16)6

GEORGE BEST (17 Gool, X/Ciyaareedkii 63/64)26/6