Iskuul Haloo Diro: Rio Ferdnand Oo Si Kulul U Weeraray Laacibka Man City Ee Fernando Kadib Qaladkii Waalida Ahaa Ee Xalay

0
535

Daaficii hore ee Kooxda Manchester United iyo xulka England ayaa si kulul u weeraray ciyaariyahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Fernando kaasoo masuul ka ahaa inuu Zlatan Ibrahimovic dhaliyo goolkii barbaraha ee ay kooxdiisa PSG la timid kulankii ay barbaraha la galeen kooxda City.

Fernando ayaa baas ka helay Joe Hart wuxuuna kadib hadiyad u siiyay kubadii Zlatan Ibrahimovic kaasoo si sahlan u dhexdhigay shabaqa si uu u masaxo ceebtii kasoo gaartay gool ku laadkii laga badbaadiyay.

Rio oo xalay falaanqeeye ka ahaa BT Sport ayaa yiri “Taasi waa ciyaar axadeed ee ma aha ciyaar Champions league, waxaa looga baahnaa inuu soo barto sida loo ciyaaro kulan Champions league”.

“Fernando ayaa qaladka ugu weyn ee kulankaan, waxaad ka hortageysaa ciyaartooy waa weyn iyo kuwo tayo leh, waxaa loo baahan yahay inuu isku soo diyaariyo sida loo ciyaaro kubada Champions league oo ah mid aad uga duwan tan axadii la ciyaaro”.