Diinsoor ( INO)-Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Bay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa usheegay IdaleNews.com in Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ay howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmadaasi.
Mr Shigshigow ayaa tilmaamay in tuulooyinkaasi ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab islamarkaana duulaan ay ku qaadeen kadib ay ugu suura gashay in gebi ahaanba ay dib gacanta ugu dhigaan isagoo intaas sii raaciyay in howlgallada ay ku soo furteen hub iyo qalab kale oo dagaal sida uu hadalka u dhigay.
Geesta Kale Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow Guddoomiyaha degmada Diinsoor ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan joogsan doonin howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo ay uga saarayaan deegaanada kale ay kaga sugan yihiin nawaaxiga degmada Diinsoor.
Ugu dambeyntii, Degmada Diinsoor ayaa tuulooyin hoostaga waxaa ka socda dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay ka wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM iyadoo xusid mudan tahay in weli tuulooyin hoostaga degmadaas iyo deegaanno ku dhow dhow ay weli ka arrimiyaan Xarakada Al Shabaab.
Idale News Online, Diinsoor