Dhageyso:Siyaasi Baadiyow oo dowladda ku eedeeyay in ay sameyso waqti kordhin

0
302

Muqdisho(INO) Siyaasiga C/raxmaan Baadiyow oo wareysi siiyay Idalenews.com ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ay ka muujinayaan xiligan in dowladda Soomaaliya ay sameyso waqti kordhin maadaama waqtiga dowladda uu ku egyahay bisha 8-aad ee sanadkan 2016-ka.
Waxaana uu sheegay in ay muuqato waqti kororsi ay sameynayso dowladda Soomaaliya oo waqtigeeda uu sii idlaanayo.
Siyaasiga ayaa sheegay in bisha 8-aad dalka la filayo in ay ka dhacdo dooorasho, waxaana dowladda Soomaaliya aan laga aqbali karin in ay sameyso waqti kororsi.
Dhanka kale siyaasi Baaadiyow ayaa waxa uu ka hadlay falalkii amni daro ee ugu dambeeyay dalka ka dhacay.
Inta badan siyaasiyiinta iyo xisbiyada dalka ka jira ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in dowladda Soomaaliya waqti dheeraad loogu daro.

W/Q Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here