Wasiiro Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Gaarey Degmada Buurhakaba

0
434

Buurhakaba(INO)- Wefdi Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowalada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gaaray Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, Wefdigan ayaa kulamo la yeeshay qeybaha Kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

Wasiirka Warafaafinta ee Dowalda Ugaas Xasan ayaa Sheegey in ujeedada wefdiga uu usocdo ay tahay in ay indha indheeyan xaalada ay degmada ku kusugan tahay sida amaanka Degamada iyo nawaxigeeda iyo arrimaha Bulshada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Degmada Buurhakaba ay kamid tahay goobaha ciidanka maamulka lagu tababarayay isla markaana loo qeybiyay ciidankaasi saanadii ay ku howlgali lahaayeen.

“Qorshe guud oo dowladda koofur galbeed ay u dejisay in degmo kasta ay ka howlgalaan 300 oo askari ayay kamid tahay tan Buur-hakaba” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyntii, Mas’uuliyiinta soo gaaray Degmada Buur-hakaba, ayaa waxaa kamid ah Wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka iyo xubno kale oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Bay.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here