Dhageyso: Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo Oo Si Adag Ugu Hadashey Dhibaatooyinka Lagu Haayo Dadka Ka Soojeeda KGS Ee Puntland

0
363

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Ururka Haweebka Degmada Baydhabo  Xaawo Sonkor ayaa sheegdey in aan loo  dulqaadan  doonin dhibaada shacabkeena lagu haayo ,Isla markaana  kale xustey in soomalidu  ay isdhaxdegantahay balse waxyaabaha ay kudhaqmayaan Maamulka Puntlan wax loo dulqaadan karo ma ahan .

Tan iyo Markii ay weerareen Maleeshiyadda Ururka Al-Shabaab deeganada Puntland , Ciidanka Puntlan waxay bilaabeen Shacabka ka soo jeedo Gobolada Koonfur Galbeed in Beegsadaan oo ay Guryahooda iyo Goobahooda Ganacsiga ay ku weeraraan una gaystaan Dil.Kufsi,Dhac, Hantidooda oo Laboobaayo.

“Al-Shabaab meel wayba ayey kadagaalamaan waa Cadow umada Soomaliyeed mel walba oo ay jogaan , Alshabaabka haday weerareen Puntland ” ayey tiri Xaawo

Ciidanka Puntland ayaa la sheegey in Shacabka Kasoo jeeda KGS ay Ka aarsanayaanan taasoo Xaawo Sonkor ay sheegey in aan loo Dulqaadan doonin ficiladaasi ay kula dhaqmayaan Shacabka kasoo jeedo deganada Koonfur Galbeed Soomaliya.

“Maamulka Puntland iyo Shacabwaynaha Puntland waxaan si sharafley Soomaalinimo ay kujirto ugu codsanaynaa in Shacabka ladhibaataynin Shacabka Soomaliyeed aan laka saarin Soomali way isdhaxdegtaa way islanooshahay” ayey tiri Xaawo Sonkor.

“Waxaa hada nasoo gaaray Dadkii kasoo jeeday Gobolada KGS dhamaan Xabsi guri ay kujiraan Qaarna Xabsiyada ay Kujiraan , Goobahoodi Ganacsina lala wareegay ,Gabdhihiina Goobahii ay Deganaayeen lagu kufsanaayo oo laleeyahay waxaad kasoo jeediin deeganada KGS, Ma waxaasi ayaa loo dulqaadan karaa Soomaaliyey Kawaantoowa kawantoowa Ficilada Noocaas oo kale hadaad tihiin Maamulka Puntland”

Dhan kale Waxa Baaq ay u dirtey  Shacabka kasoo jeeda KGS meel walba oo aad dunida ka joogaan “waad u jeedaan shacbkiina dhibatada lagu haayo fadhiga ka kaca ee dadkiina usoo gargaara , Qaarna Xabsiyada ay kujiraan qaarna hantidooda ladhacaayo , Qaarna jirdil iyo Kufsi lagu haayo ma waxaasaa loo dulqaadan karaa” ayey tiri mar kale Xaaawo Sonkor

Halkan Ka Dhageyso

 

Wariye Siid Cali Muuse Maxamed,Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here