Baydhabo(INO)- Guddiga Amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ku aadan sidii ay ku sugi lahaayeen amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay soo rogeen amaro ku aadan in aan la dhigi karin Baabuurta meelaha ay dadka isugu yimaadaan.
Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhanka kale waxa ay wadaan baaris ay ka sameynayaan xaafadaha ku yaalla magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu sugayo amaanka guud.
Waxaana guddigan ay horey u sameeyeen in ay qaadaan isbraarooyinka yaalla wadooyinka soo gala Beydhabo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo