AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Ku Siqaya Jannaale iyo Shacabka oo Qax Bilaabay

0
333

Janaalle(INO)- Ciidamada AMISOM iyo dowladda federaalka ayaa ku siqaya magaalada Jannaale ee shabeelada hoose, labo bilood kadib markii ay horay AMISOM magaalada uga baxday.

Mid ka mid ciidamada dowladda oo la hadlay Idale News Online ayaa sheegay in ciidankooda ay dageen meel Jannaale u jirta 10 KM.

Sarkaalka waxaa uu intaa raaciyay in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya AMISOM ay magaalada gudaha u gali doonaan saacadaha soo socda.

Dhanka kale, warar ay IdaleNews.com ka heshay gudaha magaalada waxaa ay sheegayaan in shacabka ay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada iyagoo ka cabsi qaba dagaalka dowladda iyo Al-shabaab.

Idale News Online, Janaalle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here