Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose

0
418

Janaale (INO)—Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxii ka socdaa Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo marayay Nawaaxiga Degaanka Janaale.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkan uu ka dhashay khasaaro kala duwan, islamarkaana uu haatan ka socda xoogiisa nawaaxiga Degaanaka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayaan daryanka hubka Culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Ilaa iyo hadda lama khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkan maadaama weli uu ka socdo Duleedka Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here