Wefdi Uu Hogaaminayo Gudoomiye Watiin Oo Maanta Gaarey Degaanka Goof-Gaduud Buurey Ee Gobolka Bay

0
389

Baydhabo(INO)- Wafuud Uu Hgogaaminaayey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa maanta waxay gaareen deegaanka Goofgaduud buureey oo 30 kilimitir dhabka waqooyi kagabeegan Magaalada Baydhabo kadib markii deegaaskaasi loomagacaabay Gudoomiye cusub.

Wafdigan uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo  C/laahi cali Watiin ayaa  waxaa wefdigiisa kuwehleyiyey Taliyaha booliska Degmada Baydhabo ,odayaasha deegaaanka Goofgaduud Buurey iyo mas’uuliyiinta cusub ee dhawaan loomagacaabay deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30 kilomitir dhanka waqooyi kagabeegan Magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiintan gaartay deegaankaasi  oo ujeedadoodu ahayd sidii masuuliyiinta cusub ee dhawan wasaarada arimaha gudaha  iyo Dowladaha hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya umagacawday deegaanka Goofgaduud loogeyn lahaa loona wargelin lahaa bulshada deegaankaasi ayaa markii halkaasi ay gaareen waxaa halkaasi kusoodhaweeyey odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa waxgaradka deegaanka lahadlay ugu horeyn Xaawo sokor Cali Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, Taliyaha saldhiga Degmada Baydhabo Muqtaar Dubudow  oo kamid ahaa wefdiga gaaray Goofgaduud ayagoona sheegay in ay wada shaqayn dhexmarto maamulka iyo bulshada kale.

Ugudanbeyntii Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin ayaa shacabka u sheegay in ay la shaqeeyaan maamulka Cusub lagana shaqeeyo amaanka.

Masuuliyiintan cusub ee loo magacaabay GoofgaduudBuurey ayaa waxaa uu qayb ka yahay maamulo loomagacaabayey degmooyinka iyo deegaano  ka tirsan gobolka Bay.

 Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella), Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here