Kulan Ammaanka Shabeelaha Hoose Looga Hadlayay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

0
323

Afgooye ( INO)-Iyadoo muddo 3 Cisho ah Magaalada Afgooye uu ka soconayo Shir 3 Geesood ah una dhexeeyay Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya , Saraakiisha AMISOM iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana looga arrinsanayay xaaladda Ammaan ee Gobolka gaar ahaan Magaalada Afgooye ayaa Wasiirka Boostada iyo Is Gaarsiinta Maamulka Koofur Galbeed Max’ed Sheekh Cumar waxa uu Ka warbixiyay waxyaabihii ay shirkaasi uga hadleen.

Wasiirka ayaa sheegay in la isku raacay in gacan bir ah lagu qabto ammaanka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Max’ed Sheekh Cumar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la isku raacay dar dar gelinta howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee deegaanada iyo degmooyinka hoostaga  Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Al Shabaab muddooyinkii dambe ay ka geysanayeen weeraro kala duwan oo qaarkood hub iyo saanad ay ku  furteen.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here