Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Walaac Ka Muujisey Biyo La’aanta Wabiga Shabelle

0
348

Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegday inay aad uga walaacsan tahay biyo yareenta Wabiga Shabelle, kaasi oo dad badan ay ku tiirsanaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in guddi baara loo diray biyo la’aanta wabigaasi iyo sidoo kale khasaaraha ay la kulmeen beeraleyda gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay soo arkeen wax walbo oo jira, islamarkaana maalmaha soo aadan ay gudbin doonaan khasaaraha guud ee soo gaaray beeraleyda.

“Dhibaato badan baa laga dhaxlay biyo la’aanta Wabiga Shabelle, waxaan dirnay guddi soo kormeeray khasaaraha soo gaaray beeraleyda, waxaana rajeynaynaa in aynu soo bandhigno khasaaraha guud” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in hay’adda FOA iyo Midowga Yurub ay degdeg uga dalban doonaan in la helo ceelal biyoodyo si aanu usii kordhin khasaaraha beeraleyda.

Ugu dambeyntii, Wabiga Shabelle oo biyo yareeyay ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada, sidoo kalena waxaa sii baaba’aya dalag beereedyada ku tiirsanaa Wabiga Shabelle.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here