Baydhabo(INO)- Wasiirka Hub ka dhigista Dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay deegaanada ay ka arimiso Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay qorsheynayaan sidii ay kaga bilaabi lahaayeen howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ee ka kala tirsan gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose sidii deegaanadaas looga bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab.
Waxaana uu tilmaamay inta uu howlgalka socda in deegaanadaas ay ka mamnuucayaan mootada, isagoo sheegay in dadka amni darada wada ay ku gambadaan.
Ugu dambeyntii, Waxa uu hadalkan wasiirka hub ka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka sheegay xilli tababar loo soo gaba gabeenayay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo