Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Dagaalyahanno Ajnabi ah ay gacanta ku dhigeen

0
313

Gaalkacyo ( INO )-Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay Ciidamada maamulkiisa ay gacanta ku soo dhigeen illaa 4 Ajnabi oo ka bar bar dagaalamayay Xarakada Al Shabaab.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa cadeeyay in Ajaanibtaan ay qeyb ka yihiin inkabadan 100 Maxaabiis ay dagaalada uga qabsadeen Ururka Al Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay  in gebi ahaan la soo gaba gabeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa  Al Shabaab-ka soo galay deegaanada maamulka Galmudug.

Isagoo sii wata hadalkiisa Madaxweynaha maamulka Galmudug ayuu ku eedeeyay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in aysan wax taageero ah ka helin oo ay ugu gacansiinayaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.

Dagaalamayaasha Ciidamada Galmudug ay kula dagaalameen Bariga Gobolka Mudug ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa ka soo laabtay deegaanada maamulka Puntland.

Idale News Online,

Somali News Desk, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here