Dhageyso: Shir Dib U Heshiin Ah Oo Ka Furmey Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
341

Afgooye(INO)- Shir dib u heshiisiineed ayaa Maanta wuxuu maanta ka furmay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose. Shirkani waxaa soo agaasimay Koonfur Galbeed oo isku keenay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee labada beelood.

Cabduqaadir Nuur Caraale oo ah Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa sheegay uu jiray Shirkani heshiis ka horreeyay balse heshiiskaasi uu u dhaqan gali waayay caqabado isbiirsaday iyo maamulka oo ku mashquulsanaa dhismaha golaha dastuuriga ah.

“Heshiiskani waa uu burburay waxaana rajaynaynaa in shirkani ay ka soo bixi doonto natiijo wax ku ool ah oo u wanaagsan dadka ku dhaqan gobalkan Shabeellaha Hoose’’ ayuu yiri.Cabduqaadir Nuur Caraale

Shirkani waxaa ka qeyb galaya odayaasha dhaqanka ee labada dhinac, xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Waxaana shirkani soo agaasintay wasaaradda arrimaha gudaha Dowlada KGS . Lama oga waxa ka soo bixi doona shirkani oo maalinta berri ah lagu wado in la soo gebagebeeyo.

Halkan Ka Daawo

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here