QM oo Dhaqaalo Ugu Deeqday Dad Abaar Ku Heysato Waqooyiga Soomaaliya

0
326

Muqdisho(INO)-Sanduuqa waxqabadka deg dega ee Qaramada Midoobay ayaa gobolada waqooyi ee Soomaaliya oo abaaro ay ka jiraan ugu deeqay 11 milyan oo doolar si wax loogu qabto ku dhawaad 224,000 oo ruux oo abaaraha ay saameeyeen.

Xafiiska isuduwida arimaha bini’aadanimada ee UNOCHA ayaa sheegay in dhaqaalahaasi wax loogu qaban doono dadka abaaraha ay saameeyeen iyadoo loo sameyn doono badbaadinta nolosha dadka ku nool waqooyiga Soomaaliya.

“Waxaa lacagtaasi dadka loogu qabanayaa, cunto, caawinaad quudin, talaalka xoolaha, adeeg caafimaad iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNOCHA.

Xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada Soomaaliyeed gaar ahaan Somaliland ayaa sheegay iney tahay mid daran waxaana lagu qiyaasay dadka caawinaada u baahan 4.7 milyan oo ruux kuwaasi oo 40% u baahan caawinaad cunto.

Abaaraha ugu daran ayaa hadda ka jira waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan gobolka Awdal waxaana la sheegayaa in biyo la’aanta dadka heysata ay sababeen in xoolo badan waayeen dadka reer miyiga ah. Sidoo kale deegaano ku yaala Puntland ayaa abaaraha daran laga soo sheegayaa.

Idale News Online,

Somali News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here