Daawo: Gudoomiyaha Baarlamanka KGS Oo Ka Qiib Galey Hawsha Kal-fadhiga 8-aad BFS oo Ka Furmay Kampala

0
400

Kampala(INO) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan [Jawaari], ayaa magaalada Kampala ee caasimadda Uganda maanta ka furay kulan howleed ku aaddan diyaarinta qorsheyaasha Kal-fadhiga sideedaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada ka jira dalka qaarkood.

Hadal uu Prof. Jawaari ka jeediyey furintaanka shirka ka jeediyay Jawaari ayuu ku sheegay inuu furan yahay kulanka looga hadlayo howlaha la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya uu qabto markuu furmo Kal-fahdiga 8-aad oo dhawaan furmi doona, Wuxuuna uga mahad-celiyey guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul-goboleedyada dalka ee Galmudug iyo Koonfur-galbeed ka qayb-galkooda shirkan.

Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo ka hadlayay howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in Kal-fadhiga soo socoda uu Baarlamaanka Federaalka Qabto, ayuu Tilmaamay in tan ugu muhiimsan ay tahay dhameys-tirka – dib u eegista Dastuurka Somalia, taasoo looga baahan yahay baarlamaannada maamul goboleedyada ka jira Dalka, inay gacan ka geystaan, taasoo ahayd qodob ka mid ah is af-garad ay Muqdisho ku gaareen guddoomiyeyaasha golayaasha sharci-dajinta dalka.

Sidoo kale, kulankaan oo kale oo mar walba la qabto marka uu soo dhaw yahay, furitaanka kal-fadhiyada Baarlamaanka FS, ayaanay ka qayb-gelin hay’adaha taageerra Baarlamaanka oo iyagu lagu marti qaaday, balse waxaa taa bedelkeeda ka qaybgalaya guddoomiyeyaasha baarlamaannada gobollada dalka ka jira qaarkood.

Ugu dambeyn, Ka qayb-galka Afhayeennada Baarlamaannada Galmudug iyo K/galbeed ee Somalia ayaa lagu sheegay siay qorshe howleedkan talo ugu yeelan lahaayeen, balse shirka guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha taageera ayaa Muqdisho ka dhici doona bisha Abriil ee soo socota.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online

Somali News Desk, Kampala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here