Baydhabo(INO)- Kormeerka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta kormeer ku sameeyey Xarunta Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Waxaa Komeerka ku wehelinayay taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan Dowlada dhaxe iyo kuwa Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Xubnaha kormeerka ku wehelinayay ayaa waxaa xarunta laanta socdaalka oo shaqo xiligaas ka socotey kuso wareeyey Agaasimaha laanta Socdaalka Cali Maxamed Cali (dhuux),waxaana kormeerka kadib ugu horeyn fafaahin ka bixiyey sida xarunta u howlgaleyso Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Ibraahin Yarrow oo Brlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed sheikh Xasan Xamud ayaa ka Hadley.
Madaxweynaha Dowlada konfur Galbeed shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in Dowladiisu ay ku guuleysatay in bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya halkii baasborada ay u aadi jireen Muqdisho hada Baydhabo Ka helayaan.
Wariye Siidii Cali Idale News Online,
Somali News Desk, Baydhabo