Daawo: Dowlada Rusia Oo Maanta Safiir Cusub u Soo Magacawday Soomaaliya

0
286

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Ruushka u fadhin doono Soomaaliya Mr Sergey Kuznetsov.

Danjirahan cusub ayaa bedelaya Danjire labo sano ka hor Ruushka u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo mar dambe ay la noqotay, markii dowladda Federaalka ay cambaareysay fara gelintii Ruushku ku sameeyay Gobolka Crimea oo ka tirsanaa Ukraine, balse u goostay Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Danjire Kuznetsov, isla markaana Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhoweyneysaa tallaabadan ay Ruushka dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaana filayaa inaan iska kaashan doono dhinacyada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, waxbarashada, dhaqanka iyo in xukuummada Moscow ay gacan ka geysato dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Sergey Kuznetsov ayaa dhankiisa sheegay inuu si weyn u daneynayo xoojinta xiriirka labada dal, shirkadaha ganacsiga ee Russia-na ay diyaar u yihiin inay maalgashadaan kana qeyb qaataan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa uu danjiraha sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka dhanka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu danjiraha ka codsadey inuu salaam diiran ka gaarsiiyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Idale News Online,

Somali News Desk Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here