Al Shabaab Oo Dad Badan Ku Dilay, Gaadiidna ku gubay Jubbada Hoose

0
350

Kismaayo ( INO)-Al Shabaab ayaa Ugu yaraan 6 Gaari oo  kuwa xamuulka ah iyo 40 Gareeto Rarka  dameerada sida Dhuxul ku gubay deegaanka  3 Lugood oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al Shabaab dileen 8 qof ayna  kaxesteen Tobanaan kale  oo ahaa Ganacsatadii Dhuxushaasi lahayd.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii Al Shabaab ay horay uga digeen xaalufinta dhirta.

Al Shabaab ayaa horay loogu soo eedeeyay intii ay maamulayeen dekedaha Kismaayo iyo Baraawe dhoofinta dhuxusha.

Hayeeshee Al Shabaab ayaa mamnuucay dhoofinta dhuxushaasi kadib markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in Kenya malaayiin dollar ay ka heshay dhuxul ay ka dhoofisay Dekedda Kismaayo.

Dhirta ayaa sidoo kale Gabaad waxaa ka dhigta Al Shabaab oo weeraro cirka iyo dhulka kala kulma diyaarado iyo  Ciidamo barri ah intaba.

Idale News Online

Somali News Desk, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here