Nakuru (INO)—Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in tobanaan ka mid ah Saraakiisha Booliska Dalkeeda ay u daabushay qeybo ka mid ah Magaalada Nakuru ee Dalka Kenya, si ay uga hortagaan Weeraro ay halkaasi ka geystaan Ururka Al Shabaab.
Gudddoomiyaha Magaalada Nakuru, Joshua Nkanatha ayaa balan qaaday in ay adkeyn doonaan amaanka Magaalada Nakuru, waxuuna intaasi ku daray in ay jirto baqdin laga qabo ay Al Shabaab ay weeraro xoogan soo qaadaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa dhinaca kale uu carabka ku dhiftay in ay ka feejigan yihiin Weeraro Dagaal yahanada Al Shabaab ay geystaan inta lagu gudajiro dabaal dagga Ciida Masiixiga.
Waxaa Guddoomiyaha uu sidoo kale tilmaamay in Al Shabaab ay doonayaan fulinta Weeraro aargoosi ah xilliyada dabaal dagga Ciida Masiixiga kadib markii Xoogaga Militariga ee Dalka Kenya ay Gobolka Jubada Hoose ku Dileen ku dhawaad 19 ka mid ahaa Al Shabaab.
Gudddoomiye Joshua ayaa waxuu tilmaamay in amaanka Magaalada Nakuru la adkeeyay tan iyo markii Ururka Daacish ay sheegteen Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Brussesls ee Dalka Belgium.
Idale News Online,
Somali News Desk, Nakuru