Dhageyso:Xildhibaan Goodax “Madaxweynaha wuxuu laaluush ku bixiyay kala qeybinta qabaa’ilka Hiiraan”

0
291

Muqdisho(INO)— Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/llaahi Goodax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu kala qeybiyay qabaa’ilka dega Gobolka Hiiraan, kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka ay aqbaleen inay shirka Jowhar ka qeyb galaan.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in markii u horeysay oo taariikhda ay midoobeen odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan uu Madaxweynuhu ku sameeyay inuu kala fur furo, isla markaana kala qeybiyay.

“Markii u horeysay taariikhda Soomaaliyeed sida lagu ogaa, markii ugu fiicneyd ee ay midoobeen Odayaasha qabaa’ilada reer Hiiraan ayuu inta uu Madaxweynuhu tagay Beledweyn ayuu kala qeybin ka dhex bilaabay, isagoo raba inuu dano gaar ah ka fushdo oo ay tahay inuu u eexdo qabiilka uu isaga ka dhashay u boobo qabaa’ilka faraha badan ee reer Hiiraan”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo maanta Wariyeyaasha kula hadlayay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sidoo kale Madaxweynaha uu qarash ku bixinayo kala qeybinta odayaasha, isla markaana u sameynayo balan-qaadyo been ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay musuq maasuq sida uu yiri.

“Anaga hadaa nahay Xildhibaanada Hiiraan u dhashay inta awoodeena ah culeys ayaa saareynaa, waqti abaar ah oo lagu jiro ayuu qarash ku bixinayaa, laaluush ayuu ku kala qeybinayaa odayaasha iyo balan qaadyo uu qabaa’ilka u balan qaadayo jago ayaa idin siinaya, waana musuq maasuq”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Goodax.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh aanay Madaxweyne u aqoonsaneyn, isla markaana hadii ay reer Hiiraan yihiin la dagaalami doonaan, waxaana uu ku eedeeyay Madaxweynuhu inuu ciidan ku dalbatay dadkii shalay banaan baxa dhigay, isla markaana uu daadiyay dhiiga shacabka sida uu yiri.

Inta badan Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa maanta heshiis la gaaray dowladda Federaalka, iyadoo lagu heshiiyay saddex qodob oo ka mid ah in Odayaasha ay tagaan magaalada Jowhar, si ay uga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Inkastoo Odayaasha dhaqanka Hiiraan markii hore isku mowqif ahaayeen, ayaa hadana waxaa moodaa kulamo badan oo uu Madaxweynaha la yeeshay in ugu dambeyn inta ugu badan Odayaasha ay aqbaleen inay Jowhar tagaan, kadib markii ay in muddo ah diidanayeen inay ku laabtaan Shirka.

Illaa saddex Ugaas oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday inay Jowhar tagaan, isla markaana heshiiska ay odayaasha kale la galeen dowladda aanu waxba ka quseyn.

Idale News Online,

Somali, News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here