Wafdi Ka Socda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta Gaaray Garoowe

0
315

Garoowe ( INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku soo warramaya in wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ay gaareen halkaas.

Wafdiga IGAD ayaa halkaas gaaray xilli uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo maalmihii la soo dhaafay halkaas kulamo kula lahaa  Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas.

Dowladda Federaalka iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa iska kaashanaya sidii maamulka Puntland loogu qancin lahaa hanaanka 4.5 in lagu saleeyo awood qeybsiga  dalka taas oo maamulkaas uu ka biyo diidan yahay.

Puntland ayaa ku adkeysaneysa in aysan aqbaleynin wax aan ka aheyn qaab deegaan in loo maro habka wax lagu soo xulayo dowladda soo socota.

Masuuliyiinta IGAD ee maanta  gaaray Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaya Wakiilka gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Max’ed Cabdi Afeey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here