Daawo: Qaamus Cusub Oo Af Somali Maay Ah Oo Maanta Lagu Soo Bandhigey Baydhabo

0
484

Baydhabo(INO)- Waxa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka dhacdey Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigey Qaamuus Cusub Afmaay ah.

Xaflada  soo bandhista Qaamuuska ayaa waxaa kasoo Qayb galey Godoomiyha Jaamacada Jubbada sare ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaadada KG S Idiris Cabdi Takhtar , Isla markaana waxaa kaloo kasoo qayb galey Wasiirkii hore Armiaha Dibada ahna Cabdullahi Xaaji xasan Manuur iyo wasiiro katirsan KG sida Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Ahmed Abuukar Geedfuulle iyo Wasiir ku xigeenka Dib u heshiisiinta KGS.

Waxaa kale oo joogey Qaybaha kala duwan ee Bulshda Rayidka ah , waxaa loogu hadley sidii kor loogu qaadi lahaa Luqada Afka Maayga iyo waxaa lasoo jeediyey in dhamaan masuuliyiinta iyo Aqoonyahanada ku hadlaan afka Maayga xilayada ay la hadlayaan Warbaahinta .

Ugu dambeyntii, Buuga Qaamuuska waxaa soo saarey Prof. Cabdullahi Maxamed Nuur .

Halkan Ka Daawo Sawiradda

02

 

01

0304050607

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here