Nairobi (INO)—Dowladda Kenya ayaa walaac xoogan ka muujisay tobanaan ka mid ah Muwaadiniinteeda oo qorsheenaya ku biirida Ururka Al Shabaab iyo sidoo kale Kooxda Daacish oo ka Dagaallanta Dalalka Syria iyo Ciraaq.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Agaasimaha Hay’adda ka hortaga argagixisda, Martin Kimani ayaa sheegay in aaminsan yihiin Dhalinyaro Kenyaan ah ay ku biireyn Xarakada Al Shabaab, kuwa kalena haatan ay qorsheenayaan kadib markii Xarakadu ay u sameysay balanqaadyo kala duwan.
Waxaa sidoo kale uu tilmaamay Al Shabaab in dhalinyaradaasi Kenyaan ka ahi ay ka qortaan Iskuulada, Jaamacadaha iyo Degaanada ku yaala Gobolka oo ay ku noolyihiin Dad dan yar ah.
Hay’adda ka hortaga argagixisada ee Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Dalkeeda ay ku biireyn Kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.
Hay’adda ayaa sidoo kale xustay in Ciidamada amaanka ay dhawaan gacanta ku dhigeen Muwaadin Kenyaan ah oo doonayay in uu ku biro Kooxda Daacish gaar ahaan faraha Dalka Liibiya.
Sikastaba, Saraakiisha Booliska iyo kuwa Hay’addaha amaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu doonayo in looga hortaga Dhalinayarada Kenyaan ka ah ee doonaya in ay ka mid noqdaan Kooxaha ka Dagaallama Dalalka Ciraaq, Syria, Libya iyo Soomaaliya.
Idale News Online, Nairobi