Garoowe ( INO)- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha maamulkaas Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa weli waxa ay kulamo uga soconayaan Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Kulamada ayaa intooda badan diiradda lagu saarayaa sidii doorashada dalka loo qorsheeyay in laga dhigo ee ah nidaamka 4.5 taas oo maamulka Puntland uu ka biyo diidan yaha.
Maamulka Puntland ayaa damacsan in qaab deegaan wax lagu soo doorto marka uu dhamaado waqtiga dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh Max’ud.
Weli lama oga natiijada kulamadaasi Ra’iisul Wasaaraha uu kula leeyahay Magaalada Garoowe masuuliyiinta maamulka Puntland.
Dhinaca kale siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ayaa dhaliilay tagista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Magaalada Garoowe.
Siyaasiga Daahir Cabdiqaadir Muuse ( Cirro) oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa madaxda dowladda iyo kuwa Puntland-ba ku eedeeyay in dantii shacabka ay ka hor mariyeen tooda gaarka ah.
Mr Daahir Cirro ayaa si gaar ah ugu dhaliilay Madaxweynaha Puntlnad Cabdiweli Gaas in uu ku guul dareystay wax u qabashada shacabka maamulkaas.
Ugu dambeyn Siyaasiga Daahir Cirro ayaa ku sheegay kulamada haatan ku dhexmarayo Garoowe Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Puntland in ay yihiin kuwa Gacmo daalis ah aanu waxba ka soo naasa cadaan doonin.
Idale News Online, Garowe