Camaan ( INO)–Ciidamo gaar ah oo ay leeyihiin Ingiriiska iyo Jordan ayaa la sheegay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay bartilmaamsadaan goobo ay ku sugan yihiin Al Shabaab.
Boqorka Dalka Jordan Cabdullaahi Ibnu Xuseen ayaa sheegay in mar weliba ay isha ku hayaan halista Al Shabaab oo uu sheegay in ay xiriir laleedahay Ururka Al Qaacida isagoo walaac ka muujiyay Khatarta Al Shabaab ee ammaanka Gobolka.
Boqorka ayaa xusay in Jordan mar weliba ka go’antahay la dagaalanka Argagixisada oo uu sheegay in ay dhibaatooyin ku hayaan Caalamka.
Sidoo kale Boqorka waddanka Jordan ayaa shaaca ka qaaday in ay haatan diyaariyeen Ciidamo gaar ah oo ka socda dalkiisa kuwaas oo caawinaya Ciidamo ay leeyihiin dalalka Kenya iyo Ingiriiska oo Al Shabaab kula dagaalami doona gudaha Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la qaadi doono weeraro ka dhan ah Al Shabaab si looga hortago in awoodooda ay ku fido meelo ka baxsan Soomaaliya iyo Kenya.
Idale News Online, Camaan