China oo Malaayiin Dollar Ugu Deeqday Dalal ay Soomaaliya Ka Mid Tahay

0
323
china
china

Beijing ( INO)-  Dowladda China ayaa sheegtay ub lacaf gaareysa illaa 10 Million oo dollar ay ugu deeqeyso dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo xilligaan ay ka taagan yihiin abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka dalalkaas ku dhaqan.

Wasiirka Dhaqaalaha ee China ayaa sheegay in lacagahaasi ay u sii marin doonaan dalalkaasi Barnaamijka Cuntada Qaramada Midoobay WFP si halkaasi loo gaarsiiyo gargaar beni’aadanimo.

Labo Million oo ka mid ah lacagtaasi ayuu Shiinaha sheegay in lagu gargaari doono dadka Soomaaliyeed ee ay heystaan abaaraha ka jira dalka , lacagaha kalena loo wareejin doono dalka Ethiopia oo ka mid ah dalalka ugu daran dhinaca abaaraha ee Bariga Africa.

Wasiirka Dhaqaalaha China iyo saraakiisha ugu sareysa Hay’adda WFP ayaa ka wada hadlay sidii loo maareyn lahaa deeqahaasi loogu tala galay in lagu samata bixiyo dadka faraha badan ee ay dhibaatada ka soo gaartay abaaraha ka taagan geeska Africa.

Idale News Online, Beijing

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here