Baledweyne(INO)- Waxaa Xalay kulamo saacado badan qaatay Magaalada Baladweyne ku yeeshay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha ka diiday qodobo badan o uu soo hor dhigay iyo qorshooyiinka qaar oo uu waday.
Sidoo kale odayaasha ayaa diiday in ay tagaan magaalada Jowhar iyagoo aan weli laga qancin waxyaabaha ay tabanayaan sida in si Cadaalad ah loo qeybiyo Ergooyinka Shirka iyo Arrimo kale.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan u sheegay in Dowlada ay ku dadaaleyso qancinta isla markaana qorshooyinka Dowlada ay ka mid yihiin in ay wada tashi iyo xog wareysi la qaadato odayaasha.
Idale News Online, Baledweyne