Riqqa(INO)—Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay dishey tiro ka mid ah dagaalyahanada ururka IS oo uu ku jiro ninka loogaga shakisan yahay inuu yahay ku xigeenka hogaamiyaha ururka IS.
Halkan Ka Daawo
Xoghayaha Gaashaandhigga dowlada Maraykanka Ashton Carter ayaa sheegay in geerida Abdul Rahman Mustafa al-Qaduli iyo xubno kale oo kamid ah ururka IS ay tahay mid dib u dhac u keeneysa howlgalada ururka IS.
Hase yeeshee Carter ayaan sheegin faahfaahino kale oo ku saabsan dilka Qaduli oo ka soo jeeda dalka Ciraq sidoo kalana loo yaqaan Haji Iman.
Balse NBC News ayaa dhowaan sheegtay in lagu diley Qaduli weerar ay ku qaadeen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka gudaha dalka Siiriya Khamiistii.
Saraakiil u hadashay wasaarada gaashandhiga Maraykanka ayaa laga soo xigtey in ciidamo ay diyaarad helicopter ah ku daadisay gudaha dalka Siiriya ayna dhabaha u galeen gaari uu la socday Qaduli, hase yeeshee iska horimaad halkaa ka dhacay ayaa lagu diley Qaduli iyo dagaalyahano kale oo la socday.
Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa la sheegay inay doonayeen in ay nolol ku soo qabtaan Qaduli balse ay u suurtogeli weyday. Dowlada Maraykanka ayaa hore madaxa Qaduli u dul dhigtey lacag gaareysa $7m (£5m) oo abaalmarin ah. Xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Washington ayaa sheegay in ay si tartiib tartiib ah u baabi’inayaan hogaanka sare ee ururka IS,
Waxana uu Carter ku tilmaamay Qaduli inuu ahaa hogaamiye sare kaasoo u dhigmay wasiirka maaliyada waxana uu mas’uul ka ahaa sidoo kale arrimaha dibadda iyo weerarada lagu qaado.
Qaduli ayaa ka soo jeeday qowmiyada Turkmen waxana uu ku dhashay 1957dii magaalada Mosul, waxana la sheegay inuu ka mid ahaa hogaamiyaashii Alqaacidada Ciraq isagoo ku xigeen u soo noqday Abu Musac al-Zarqawi.
“Dilka hogaamiyaha ururka Isil waxa ay wiiqaysaa awooda ururka uu howlgalo ugaga fulin karo gudaha Ciraq iyo Siiriya iyo weliba wadamada ka baxsan,” Mr Carter said.
“Waa sarkaalkii labaad eek a tirsan IS oo aanbishan gudaheeda dilno kadib markii aan xaqiijinay dilka wasiirkii dagaalka ee IS dhowaan.”
Tarkhan Batirashvili oo u dhashay dalka Georgia kuna magac dheeraa Omar Shishani, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka geysteen waqooyi bari dalka Siiriya afartii bishan March.
Idale News Online, Riqqa