Daawo: War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Dib u Heshiisiinta Ee Kismaayo Ka Socday

0
364

Kismaayo(INO) —Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasibad ballaaran oo loo qabtay gunaanudka wadahadallo magaalada Kismaayo uga socday hogaanka Jubaland iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Sade oo wax ka tabanayay maamulka.

Halkan Ka Daawo

Wadahadalladan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa waxaa laga soo saaray ilaa 14 qodob oo ay soo gudbiyeen siyaasiyiintii wax ka tabaneeysa maamulka, kuwaa oo madaxda Jubaland ay ballanqaadeen in ay meelmarin doonaan.

Xafladda oo ay goobjoog ka ahaayeen siyaasiyiin, odoyaal dhaqameed, haween, madax ka socotay Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madaxdii kasoo qeybgashay, waxaana hlakaasi laga aqriyay war murtiyeedka shirkii lagu soo gabagabeeyay Kismaayo. Afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax ayaa aqriyay qodobada war murtiyeedka.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here